Farmaajo oo daah furay qeybinta buugaagta Manhajka Waxbarashada+Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Farmaajo oo daah furay qeybinta buugaagta Manhajka Waxbarashada+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daah furay qeybinta buugaagta Manhajka Waxbarashada Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda daah furka ayaa sheegay in muhiimadda koowaad iyo labaad ee dowladdu ay tahay waxbarashada, isagoo intaa ku daray in waxbarashadu ay tahay furaha Nolosha.

“Anagoo munaasabadan u nimid daah furka, aan ku daah fureyno buugaagta halkan taala sample keeda, oo gaareysa daabacaadeeda Hal milyan iyo afartan kun iyo boqol iyo labo kun oo ah diyaarinta macalimiinta casharadooda, runtii waxa ay noo tahay farxad weyn, runtii waxa ay noo tahay wax aad iyo aad Alle loogu mahadceliyo, maxaa yeelay, annagu dowladdaan muhiimadeeda koowaad iyo labaad waxa weeeye waxbarashada, Waxbarashada waxa weeye waa furaha nolosha” ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in saddexdii sanno ee ugu dambeysay ay dowladdu la wareegtay 24 Iskuul, isla markaana ay dowladdu wax barto 65 kun oo arday ah, waxaana la qorsheynayaa in dowladdu ay kordhiso tirada carruurta Soomaaliyeed ee ay waxbarayso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in horumarkasta uu dal gaaro ay sabab u tahay waxbarashada ubadka oo la horumarinayo, waxaana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in carruurta Soomaaliyeed loo diyaariyay waxbarasho mustaqbal leh.

“Ilmo walba oo aan awood u lahayn inay aadaan iskuulada private-ka aan u diyaarinay waxbarasho mustaqbal leh, waxa kaliya aan ku horumari karno waa anagoo waxbarasho tayo leh aan carruurteena siino,” ayuu Madaxweyaha hadalkiisa ku daray..

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!