Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec oo ku geeriyooday Jarmalka

Read Time:1 Minute, 16 Second

Berlin – Mareeg.com: Fanaanka Maxamed Suleyman Tubeec oo loo yaqaanay Boqorka Codka ayaa saaka ku geeriyooday cisbital ku yaala dalka Jarmalka oo uu in muddo ah ku xanuunsanayay.

Mustafa Maxamed Suleyman Tubeec oo ah inan uu dhalay fanaanka geeriyooday ayaa xaqiijiyay geerida aabihiis Maxamed Suleyman Tubeec isagoo sheegay in mudadii uu ku jiray cisbitalka laba mar  qalliin lagu sameeyay isagoo xusay in uu ka xanuunsanayay sambabada.

Maxamed Suleyman Tubeec ayaa ahaa fanaan Qaran waxaana lagu xasuustaa heeso wadani ah oo uu ku luqeeyay xiliyo kaladuwan wuxuuna ahaa wadani geesi ah oo magac iyo maamuus ku dhex lahaa ummadda Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa gobolka Banaadir Marxuumka intuu uu xanuunsanayey looga uruuriyey lacag lagu sheegay ila $20 kun oo doollarka Mareykanka si loogu gacansiiyo qarashka uu qaadanayey isbitaalka qaliinka ku sameynayey.

Dhanka kale, Xaaji Iikar Leeb oo ka mid ahaa aasaaseyaashii fanka Banaadiriga ayaa ku geeriyooday degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Xaaji Iikar Leeb wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii caanka ahaa ee fanka Banaadiriga, wuxuuna wax ka dhigay ruwaayadihii ugu horreeyay ee Banaadiri ah ee Golaha Muritada iyo Madaddaalada lagu soo bandhigay sanadkii 1967 sida ruwaayaddii Talo Xumo tol ma badiso.

Wuxuu la soo shaqeeyay abwaanno fanka Banaadiriga caan ku ah sida Dr. Raafi, Macow Aw Diinle, Muumin Yoo, Xabiib Maxamed Xabiib, Cabduqaadir Nuuraani, Axmadey Cabdi Gaashaan iyo kuwo kale oo badan.

Ruwaayadihii kale ee uu wax ka dhigay waxay ahaayeen “Dhagarroow lagu arag”, “Ku waano qaado waqtiga”, “Wiil iyo Waalid kala war la’”, “Socdaal iyo Sir Jaceyl”, “Luul iyo Leyla” iyo u “samir ama ka-samir”.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.