Fanaan caan ka ahaa Soomaalida oo u geeriyooday Cudur halis ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Fanaan caan ka ahaa Soomaalida oo u geeriyooday Cudur halis ah

Waxaa xalay goor dambe dalka Germany ku geeriyooday Fanaankii weeynaa ee  Cabdi Cali Bacalwaan oo isbitaal ku yaalla dalkaas ku xanuunsanayay maalmihii la soo dhaafay,

Fanaanka ayaa la sheegay in uu u geeriyooday cudurka Covid-19 oo dhibaato ba’an ku haya Caalamka, waxaana la sheegay in Marxuumka ay xaaladiisa caafimaad  liidatay maalmihii u dambeeyay, wuxuuna ku jiray Coma oo ah xaalad miir dabool ah .

Alle ha u Naxariistee Cabdi Cali Bacalwaan wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii ciidanka xoogga dalka la oran jiray ee uu madaxda u ahaa Cismaan-askari Aadan Xuseen ka hor dowladdii Kacaanka.

Wuxuu ahaa heesaa, mu’allif iyo weliba laxamiiste , laxannadiisa waxa ka mid ahaa midka uu saaray heesta Afrikaay hurudooy oo uu allifay Ismaaciil Xirsi Farxaan , markii koowaaadna ay qaaday Saynab-baxsan Xaaji Cali Siigaale balse ay Magool ku caanbaxday.

Fanaankii caanka ahaa ee Soomaalida siweyn u taqaanay ee Cabdi Cali Bacalwaan ayaa ka mid ahaa tiirarkii kooxda qaranka ee hobalada waabari, waxaana baraha Bulshada hareeyay tacsida geeradiisa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.