Fanaan Caan ah oo lagu xiray Hargeysa iyo Faah faahino kaso baxaya sababta loo xiray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Fanaan Caan ah oo lagu xiray Hargeysa iyo Faah faahino kaso baxaya sababta loo xiray

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada booliiska maamulkaasi ay xabsiga dhigeen Fanaanka Caanka ah ee lagu magacaabo Farxaan Xidig.

Fanaanka Farxaan Xidig oo dhawaan gaaray magaalada Hargeysa ayaa lagu soo waramayaa in ay xireen ciidamada booliiska, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in xariga Fanankan ay Siyaasad ka dambeyso.

Farxaan Xidig ayaa horey u sheegay in uu u wareegsanayo dhinaca siyaasada uuna doonayo in uu kamid noqdo Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, waxa uuna horey Fanaankan isugu dayay in uu kamid noqdo Baarkaanaka hada waqtigiisa sii dhamaanayo.

Maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin xariga magaalada Hargesa loogu geestay Fanaankan Soomaaliyeed, waxa ayna Somaliland horey deegaanadooda uga manuucday in ay yimaadaan dadka faraha la gala Siyaasada Soomaaliya xilalna ka qabta Dowlada.farxan_1

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!