Falkii 3-aad oo naxdin oo muddo 5 maalmood ah laga maqlay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Falkii 3-aad oo naxdin oo muddo 5 maalmood ah laga maqlay Muqdisho

Mareeg.com: Dhaco kale oo naxdin ayaa oo noqoneysa tii 3-aad ayaa muddo todobaad ah mar kale ka dacday magaalada Mqudisho, iyadoo gabar 23-jir ah oo muddo 5 cisho ay la’aayeen reerkeeda laga helay meydkeeda degmada Dharkeenley.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka mid noqotay dhacdooyin is daba joog ahaa oo dadka reer Muqdisho ay dhagahooda ku maqlayeen, kaasoo ah wax ku cusub bulshada.

Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Yaxye ayaa ka mid aheyd dadka ku nool degmada Kaxda ee koofur galbeed magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka Kaxda oo lagu magacaabo Maxamed Ismaaciil C/llaahi ayaa sheegay in arrintan ay fajaciso ku noqotay dadka deegaanka.

“Gabadhan waxaa lagu magacaabaa Faadumo Yaxye, waxaa la weysanaaa muddo shan cisho, waxaa xalay maqribkii meydkeeda laga helay ceel ku yaal degmada Dharkeenley”ayuu yiri,

Meydka gabadha ayaa lagu arag wax nabar ah, jirdil ama rasaas toona, waxaase la sheegay inay aad u barartay, lama oga ilaa iyo hada sida wax u dhaceen iyo in ceelka lagu tuuray iyo in kale.

Shalay oo jimco ahed waxaa xaafadda Juungal ee degmada Yaakhshiid nin dhallinyaro tuurrey ku dilay nin oday ah oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Macow.

14-kii bishan waxaa masjid ku yaalla xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan nin kazoo laabtay dalalka Galbeedka ku dilay wiil arday ahaa oo la oran jiray Axmed Cosoble.

Ninka dilka geystay ayaa tuurrey qoorta kaga dhuftay wiilka ardayga ah oo salaadd maqrib u taagnaa Jamaacada, iyadoo halkaas dadkuu dukanayey ku kala carareen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!