Falaagada Konfurta Sudan Oo La Wareegay Bor & IGAD Oo Bilowday Dedaal Nabadeed

Read Time:1 Minute, 49 Second

Juba, Mareeg.com: Fallaagada daacadda u ah madaxweyne kuxigeenkii hore ee Konfurta Suudaan, Riek Machar, ayaa qabsaday magaalada Bor ee magaalo madaxda gobolka Jonglei kadib dagaallo qaatay dhowr maalmood ka socday magaalada Caasimadda ee Juba ee meelo kale Bor ka ka mid tahay.

Dagaalka u dhexeeya ciidammada dowladda Koonfurta Suudaan iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa socda in kasta oo madaxweyne Salva Kiir horey u sheegay in ciidamada dowladdu gacanta ku hayaan dhamaan magaalooyinka dalka, islamarkaana la fashiliyey iskuday afgembi.

Duqa magaalada Bor Nicholas Nihal Magic ayaa sheegay in dagaalkii ka bilowday Juba uu kusoo faafay magaalada Bor oo 150 KM dhanka Woqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ee Juba.

Wuxuu sheegay Nicholas Nihal Magicj in ay ka jirto cabsi ballaaran iyadoo uu dagaal culus ka socda bartamaha magaalada. waxaa uu sheegay duqu in taliyihii militeriga ee degaankaas Peter Gadet uu ka goostay ciidammada dowladda.

Dad badan oo ku nool magaalada Bor ayaa galay xarrun oo Qaramada Midoobay ku leedahay halkaas si ay uga badbaadaan in loo laayo aano beeleed.

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in wadahadal uu la galo ninka ka soo horjeeda ee Riek Machar, si loo soo afjaro dagaallada.

Kiir ayaa horey ugu edeeyay madaxweyne kuxigeenkiisii hore Riek Machar inuu ka dambeeyay afgembi dhicisoobay oo uu sheegay in dalkaas uu ka dhacay. Machar ayaa warkaas beeniyay, isagoo sheegay in Kiir uu rabshadaha u adeegsanayo si uu u qariyo fashilka dowladdiisa.

Qaramada Midoobay iyo Urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika ayaa wada dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda ka taagan dalkaas oo muddo 4 maalmood ah oo ay socotay ay ku geeriyoodeen ilaa 400 ruux.

Waxaa dalka South Sudan kusoo jeeda wasiir arrimo debadeedka 5 dal oo ka tirsan IGAD, kuwaasoo kala ah Kenya, Itoobiya, Uganda, Jabuuti iyo Somalia.

Xiisad ayaa ka aloosnayd dalkaas tan iyo bishii toddobaad ee July xilligaas oo madaxweyne Salva Kiir Mayardit uu xilka ka qaaday madaxweyne kuxigeenkiisii hore Riek Machar.

Machar ayaa horey u sheegay inuu doonayay inuu madaxweyne Salva Kiir kula tartamo doorashada madaxweynenimo ee la qaban doono sanadka 2015-ka.

Machar ayaa ka soo jeeda qabiilka Nuweer ee ku eedeeyo qabiilka Kiir ee Dinka inay talada isku koobeen.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %