
Waxaa xalay Xaafada Xamar Jadiid ee Degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir lagu dilay gabar yar, iyadoona la sheegay in uu dilay Macalin dhiga Dugsi Quraan oo ay mid ka mid aheyd Ardayda Dugsigiisa.
Dilka gabadha yar ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii Macalinka Dugsiga uu Madaxa kaga dhuftay ul,sida ay sheegeen dad ku sugan Xaafada Xamar Jadiid ee Degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir.
Ilaa lyo hada majiro war wax ah oo ka soo baxay ehelada Gabadha geeriyootay oo dhiganeysay Dugsi Quraanka iyo maamulka Degmada ee ku aadan Falkan xalay ka dhacay Degmadaasi,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhacdadaani ay tahay markii labaad uu Macalinku dilo Gabar dhiganeysay Dugsigiisa.