Fal Naxdin Leh oo lagu arkay Magaalada Muqdisho
Xaafadda Midnimo oo ka tirsan Deegaanka Siinka dheere ee Duleedka Muqdisho ayaa waxaa saakay lagu arkay halkaasi Meydka Nin ay koronto dishay.
Waxaa la sheegay in Ninka xalay saqdii dhexe uu doonaye in uu fiilooyin ka furto baallo ku yaalla Xaafaddaas, balse ay Korontadii dishay.
Dad deegaanka Xaafadda Midnimo ee ka tirsan Deegaanka Siinka dheere ee Duleedka Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in saakay ay arkeen Meydka Ninkan ay korontada dishay,xili uu doonaaye in uu baalo fiilooyin ka furto.
Dhinaca kale wararka qaar ah ayaa sheegaya in Ninkan lagu arkay Xaafadda Midnimo uu kamid yahay kuwa Damiya Nalalka ku shaqeya ileysa cadceeda.
Comments are closed.