
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska loo yaqaano EVECO oo ku yaalla wadada warshadaha ee Gobolka Banaadir lagu dilay nin darawal ahaa oo waday meydka aabihiis.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ninka la dilay uu ahaa wiil dhaliyaro ah oo gaari ku waday meydka aabihiis,xili maanta la doonaaye in la soo aaso halka warar ay sheegayan in darawalka gaariga uu ku waday meydka adeerkiis.
Dilka darawalkan ayaa waxa uu yimid kadib markii uu mursan soo kala dhexgalay mid kamid ah Askari ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya oo xligaas ku sugnaa isgoyska loo yaqaano EVECO oo ku yaalla wadada warshadaha ee Gobolka banaadir,waxaana la sheegay in dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay askariga, darawalkii gaari ku waday meydka aabihiis uu u geeriyooday rasaastaasi .
Dhinaca kale waxaa la sheegay in askarigii dilka geystay gacanta lagu dhigay,waxaana uu doonaaye xiligaas in uu goobta ka baxsado.