Faarax Macalin oo looga guuleestay Kursigii Xildhibaanimo ee magaalada Gaarisa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faarax Macalin oo looga guuleestay Kursigii Xildhibaanimo ee magaalada Gaarisa

Siyaasiga Faarax Macalin Dawaara ayaa markii labaad looga guuleestay doorashadii kursiga Xildhibaanimo ee magaalada Gaarisa, waxaana kursigan kula tartamayay Siyaasiga caanka ah Aadan Barre Ducaale oo horey kursigan ugu fadhiyay.

Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in Aadan Barre Ducaale uu kusoo baxay kursigan uu u tartamayay waxa uuna helay codad gaaraya 22,587, halka Faarax Macalin uu isna helay codod gaaraya 14,897 .

Aadan Barre Ducaale oo natiijada kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in doorashadii kursigan uu kusoo baxay, waxa uuna u mahad celiyay dadka reer Gaarisa ee codkooda siiyay mar kalana kursigan u doortay.

Siyaasgiga kale ee Faarax Macalin oo ka maqnaa goobta natiijada looga dhawaaqay ayaan wali ka hadlin guul darada kasoo gaartay doorashadii uu ka qeyb galay, waxaana la filayaa in waqtiyada soo aadan uu Warbaahinta la hadlo.

Dalka Kenya waxaa ka dhacay doorasho aad u xiiso badneed, waxaana wali la sugayaa shaacinta natiijada rasmiga ah ee doorashdii Madaxweyne ee dalkaasi ka dhacay, waxaana la filayaa in uu mar kale kursiga kusoo laabto Madaxweyne Uhurru Kenayatta.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!