Faahfaahin ku saabsan weerarkii Alshabaab ku qaadeen Madaxtooyada Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faahfaahin ku saabsan weerarkii Alshabaab ku qaadeen Madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Faahfaahin dheeraad ah ayaa kazoo baxaya weerar qaraxyo ismiidaamin iyo rasaas isugu jiray oo maanta Alshabaab ku qaadeen mid ah mid ah albabaab xarrunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa Alshabaab ku qaadeen albaabka madaxtooyada ee xiga dhanka degmada Boondheere, xilli salaadda Jimcaha lagu dukanayey masjid ku yaalla madaxtooyada oo ay ku dukadaan madaxda dowladda oo madaxeynuhu ka mid yahay.

Koox ka tirsan Al-shabaab ayaa xarunta madaxtooyada ka soo galay albaab xiga dhanka degmada Boodheere, oo ay ku dhufteen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaddibna rag hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta, kuwaas oo rasaas furay, waxaana iska caabbiyay ciidamada AMISOM iyo ciidanka dowladda ee ilaalada ka ah xarunta madaxtooyada.

Wararku waxay intaa ku darayaan in ragga weerarka fuliyay ay isku soo xireen walxo qarxa, iyadoo markii dambe la maqlay qaraxyo dhowr ah.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ku dukaday Masaajidka ku yaal Madaxtooyada oo markii qaraxa dhaca ay banaanka u soo baxeen ay ku waxyeeloobeen rasaastii la is weydaarsaday.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in madaxweynaha aanu ku dukan masaajidka Madaxtooyada oo weerarka markii hore u badnaa aaggaas, marka loo eego halka qaraxa hore ka dhacay ee albaabka Madaxtooyada ee dhinaca Boondheere xiga.

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa barta Twitter ku soo wadaagay qoraal uu ku sheegayo inuu la soo xiriiray madaxweynaha Soomaaliya oo u xaqiijiyay inaysan waxba gaarin.

Danjiraha wuxuu weerarka madaxtooyada ku tilmaamay mid guul-darreystay, wuuna cambaareeyay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in saraakiil hore iyo kuwa hadda shaqeeya ay ku dhinteen weerarka manta dhacay, inkastoo dowladda Soomaaliya aysan weli soo saarin liiska dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkaas.

Waxaa la arkayay meydadka koox ka tirsanaa Al-Shabaab oo yaalla gudaha xarunta madaxtooyada markii weerarku dhacayay.

Wixii soo kordha Inshaa Allaah kala soco Mareeg Media 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!