Muqdisho, November 9, 2013: Xalay maqribkii ayaa labo qarax ka dhaceen hoteelka Maka Almukarrama ee saran jidka caanka ah ee Maka Almukarramada, islamarkaana ku dhow Isgoyska Dabka.
Qaraxa koowaad ayaa dhacay kadib markii nin wata Conputer Labtop ah oo gudaha u galay Hotelka oo leh baar aad loo fariisto, waxaana markii ciidamada amaanku baarayeen qarax ka dhashay Computer0kii uu watay, taasoo dhaawac aan weyneneyn gaarsiiyey ninkaas iyo qaar ka mid ah ciidamada amaanka.
Ciidamada amaanka ayaa bilaabay iney baaraan ninkaas, hase ahaatee intuu baaritaanku socday ayaa gaari uu waday naftiis hure uu isku qarxiyey albaabka dhanka laamiga uu ku leeyahay hotelka Maka Almukarrama.
Weerarkaas wuxuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo soo gaaray dadkii baarka joogay iyo dad marayey wadada, sidoo kale waxaa ku geeriyooday ninkii waday gaariga is qarxiyey.
Afhayeenka hay’adaha ammaanka dalka Jen. Maxamed Yuusuf Cumar “Madaale” oo la hadlay qaraxyadaas ayaa sheegay in ninka watay Laptop-ka uu doonayey inuu laayo dadkii ku sugnaa barka Hotelka, islamarkaana gacanta lagu hayo.
Jeneraal Madaale ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen ilaa 5 qof, ayna ku dhaawacmeen 26 qof ay ku jiraan 6 ka mid ah booliska baara wayaabaha qarxa, oo uu xusay iney qabaan dhaawacyo fudud.
Warar saaka laga gelay Isbitaalka Madiina oo dhaawacyada la dhigay ayaa sheegay in 4 ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ay u geeriyoodeen dhaawacii kazoo gaaray qaraxii gaariga eel lala beegsaday hotelka Maka Almukarrama.
Alshabaab ayaa sheegtay weerarka lagu qaaday hotelka Maka Almukarrama, mana aha hotelkii ugu horreeyey ee lagu qaado weerar nuucaan ah oo Alshabaab sheegtaan.
Mareeg.com