FAAHFAAHIN: Khasaarihii dagaalkii ka dhacay Taleex & dagaalkii oo iskii u istaagay (SAWIRRO) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

FAAHFAAHIN: Khasaarihii dagaalkii ka dhacay Taleex & dagaalkii oo iskii u istaagay (SAWIRRO)

Talaado, Abriil 21, 2015 Dagaalkii aroortii saaka ka billoday degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa joogsaday, iyadoo aysan jirin cid dhex-gashay laba beelooda ee dagaalku dhex-marayay.

Khasaaraha uu dagaalkan sababay ayaa la sheegayaa inuu marba marka ka dambeysa soo kordhayo, waxaana wararku sheegayaan inay lix ruux ku dhintay, kuwaasoo dhamaantood ah labada dhinac ee dirirtu dhex-martay, halka weli aan lahayn dhaawaca oo la sheegay in labada dhinac iyo shacabka ay gaareen dhaawacyo kala duwan.

Madaxda dhaqanka, Cuqaasha iyo Culummada Diinta ee magaalada Buuhoodle ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood ee colaaddu u dhexayso. Garaad C/risaaq Garaad Soofe ayaa sheegay inay u dirayaan ergo hawshaas wax ka qabata; isagoo xusay inay inta ay soo socdaan ay uga digayaan labada beelood inay ka digtoonaadaan inay dagaalamaan.

Ugu dambeyn, dagaalkan ayaa daba-socda colaado soo noq-noqtay sanadihii lasoo dhaafay, inkastoo dhowr jeer oo hore la dhameeyay; balse ay dib u soo laabeen, iyadoo la sheegayo in ciidammo badan oo labada dhinac ah ay ku qul-qulayaan magaalada Taleex.

Isha:Hiiraan Online
Seynab@hiiraan.com
Laascaanood, Gobolka Sool

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More