Faah faahino kasoo baxaya Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho

Read Time:33 Second

muqdisho ( mareeg ) Waxaa goordhaw isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho ka dhacay qarax gaari lagu soo xiray mid kamid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Gaariga ayaa qarxay xili uu marayay Isgooska Siinay ee degmada Wardhiigley, waxaana qaraxan lala eegtay Maxamed Ibrahim Sheekh Cabdi oo la sheegay in uu katirsanaa shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde.

 

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa dhaawac culus uu kasoo gaaray Maxamed Ibraahim, waxaana dhaawaca ninkan loola cararay Isbitaalka Dugfeer ee magaalada Muqdisho oo lagu daweenayo.

 

Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca qaraxyada gaadiidka loogu xiro dadka dowlada u shaqeeya iyo dad kalaba, waxaana inta badan qaraxyadan waxyeelo kasoo gaartaa wadaha gaariga.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %