Faah Faahino kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah Faahino kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa duulaan ku qaaday deegaano ay Gobolka Galgaduud ka maamulayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo labada dhinac dhax maray.

Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamada Huwanta ah ayaa weeraray Deegaanka Ceel-Hareeri ee goboka Galgaduud,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo labada dhinac la sheegay in uu qasaare kasoo gaaray.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo dagaalka Hogaamiyay ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi, waxa ayna sheegeen in ay dileen tiro kamid ah dagaalyahanadii Al-Shabaab ee dagaalka la galay, waxa ayna sidoo kale tilmaameen in ay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay.

Al-Shabaab ayaa dhankooda guulo waa weyn ka sheegtay dagaalkaasi, waxa uuna sheegay Gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub in ay dagaalkaasi ku dileen ciidamo badan oo katirsan Milatariga Soomaaliya.

Gobolka Galgaduud waxaa mudooyinkii dambe dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya , waxa ayna ciidamada ay la wareegeen Degmooyin iyo deegaano dhoor ah oo gobolkaasi ku yaala .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!