
Rag hubeysan ayaa xalay bam gacmeed ku weeraray Hoyga Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
Bam-ka lagu weeraray hoyga Xildhibaan-ka waxaa ku dhaawacmay Xaaska Xildhibaanka iyo Mid kamid ah Ilaaladiisa oo ku sugnaa Hoyga la wareeray.
Xaafadda uu degen yahay Xildhibaan Daqarre ee Mishinka ayaa lasoo Sheegayaa in uu ka maqnaa Xilligii Bamka lagu tuuray,islamarkaana uu ku sugan yahay Magaaladda Muqdisho.
Ciidamada Booliiska Magaalada Jowhar ayaa saakay bilaabay baaritaano la xiriira dadka lagu tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin bamka lagu weeraray hoyga Xildhibaanka.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan oo Xalay Xilli Dambe ka dhacay Magaalada Jowhar.