Faah Faahin:-Weerar Xalay Ka Dhacay Magaalada Boosaaso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah Faahin:-Weerar Xalay Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa weerar xalay lagu qaaday Kontorool ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland waxaana weerarkaasi ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxo hubeysan oo watay qoryaha fudfudud  iyo bam-baanooyin la sheegay in weerar ay ku soo qaadeen Kontorool ay joogeen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo u dhow Magaalada Boosaaso, iyadoona halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Kooxdii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada la weeraray.

Ugu yaraan 3 Askari ayaa dhimatay halka 10 kalena ay ku dhaawcmeen Weerarkii xalay lagu qaaday Kontorool ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland  oo u dhow Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.

Goobta uu ka dhacay Weerarka ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen Ciidamada amaanka maamulka Puntland iyagoona halkaasi ka sameeyay howlgalo lagu baacsanayo shaqsiyaadkii ka dambeeyay weerarkii xalay ka dhacay meel u dhow Magaalada Boosaaso.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!