Faah faahin:-Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Read Time:47 Second

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday bam nooca gacanta lagu tuuro ah oo habeenkii xalay aheyd ka dhacay xaafad ku taalla duleedka Magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ay fuliyeen kooxo hubeysan ayaa waxaa lagu qaaday waaxda 1-aad ee Baariyow, xaafadda Galmudug ee deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay yihiin ciidamada ilaalinayay waaxda ayaa dhaawac soo gaaray iyo qof kale oo shacab ah, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Sidoo kale weerarka kadib ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay goobta, kuwaas oo sameeyey baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayay ragii hubeysnaa ee weerarka fuliyay.

Wararka ayaa sheegaya inay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi, welina ma jiro wa hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka iyo laamaha amniga intaba.

Garasbaaley ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan oo geysta khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.