Faah Faahin:-Weerar Ismiidaamin Ah Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Wadajir Ee G/Banaadir + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah Faahin:-Weerar Ismiidaamin Ah Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Wadajir Ee G/Banaadir + Sawirro

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay kasoo Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari caasi ah oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo maanta duhurnimadi ka dhacay Xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaana Qaraxaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dhismaha Xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa gebi ahaan duntay Qaraxa xoogiisa.

Ugu yaraan Qaraxa maanta ka dhacay Degmada Wadajir ayaa waxaa ku dhintay 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen 20 qof weerarka.

Dadka Qaraxan ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Degmada Wadajir Cumar C/laahi Xasan, Guddoomiyaha ururka Haweenka Degmada, Xoghayaha Degmadaasi Sharmaarke Cadow, Madaxa Ciyaaraha degmada Wadajir Maxamed Catoosh sida la xaqiijiyay.

Maamulka Degmada Wadajir ayaa shir kula lahaa halkaasi urur dhalinyaro markii lagu weeraray Qaraxan ismiidaaminta ah.

War Ururka Al Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen mas’uuliyadda Qaraxaan xoogan,kaasi oo loo adeegsaday Gaari Caasi ah oo lagu soo raray Khudaar laguna soo dhexqariyay waxyaabaha Qarxa.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!