Faah Faahin:-Qaraxyo Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

Read Time:35 Second

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxyo Xalay saqdii dhexe ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxyadaan  ayaa la sheegay in lagu dhejiyay Saddex ka mid ah Soolarada Cadceeda ku Shaqeeya ee ku yaalla Baladweyn,iyadoona ay san jirin wax khasaaro ah oo ay sababeen Qaraxaasi maadaama ay Xili habeyn aheyd ah oo ay dadka wada hurdeen.

Soolarada Qaraxyada lagu dhejiyey ee Saddexda ah ayaa waxa ay ku yaallaan Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladweyne,waxana lagu soo waramayaa in ay bur bureen.

Badi wadooyinka ku yaalla Magaalada Balaweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ku shaqeyaan soolaradda cadceeda,iyadoona qaar kamid ah Soolaradaasi ay saameyn ku yeesheen fatahaadii iyo roobabkii ka d’ay Magaalada Baladweyne.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %