Faah faahin: Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho+Sawirro

Read Time:48 Second

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxaa maanta barqadii uu ka dhacay Bar koontorool oo lagu hubiyo Gaadiidka taas oo ku taalla Isgoyska Sayidka ee Magaalada muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu dhacay xilli gaadiid farbadan ay ku jireen safka Gaadiidka lagu hubiyo Koontoroolka sayidka ee laga ilaaliyo Madaxtooyada,waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah iyo mid hantiyadeed.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen Shan Ruux tira intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen,sidoo kale ay burburieen Gaadiid farabadan oo ku jira safka hubinta Gaadiidka ee Koontoroolka Sayidka.

Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ay muujinayaan Gaadiid farabadan oo nooxa raaxada ah oo goobta ku bur burey.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaas oo ah kii ugu horeeyey ee dhaca sanadka 2020.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %