Faah faahin Qarax xoogan oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Read Time:37 Second

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay kasoo baxeysaa Qarax xoogan inta badan jugtiisa laga mqlay Xaafadaha ku dhow dhow Ex-koontorool ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa mid gaari nooca raaxada ah lagu soo xiray,waxaana gaariga saarnaa hal Askari oo ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya,kaas oo  qarxay,  xiliga uu marayay Ex-koontorool Afgooye ee duleedka Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ay ayaa inoo sheegay in  hal Askari oo lagu Magacabo bootaan,uu qaraxaasi ka soo gaaray dhaawac culus,isla markaana mid ka mid ah lugihiisa ay go’day halka Gacanta uu dhaawac ka soo gaaray.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay dad shacab ahaa oo goobta ka agdhawaa xiliga uu qaraxa dhacayay ,waxaana loola cararay dhaawcyadooda goobaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %