FAAH FAAHIN: Qarax lagu beegsaday Ciidanka Itoobiya

Read Time:50 Second

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka mid ah howlgalka AMISOM lagula eegtay deegaan u dhow degmada Ceel-Barde ee Xarunta Gobolka Bakool.

Kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in lagu qarxiyey gaadiidkooda xilli ay ku wajahnaayeen degmada Xudur,isla markaana ay ka yimaadeen dhinaca degmada Ceel-barde ee Gobolkaasi Bakool.

Qaraxa kadib Ciidamada Itoobiya ayaa furay rasaas farabadan wallow aysan jirin cid u jawaabtay,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay socdaalkoodii sii wateen.

Weli macada khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi kasoo gaaray ciidamada Itoobiya, hayeeshee Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in qaraxaasi lagu dilay askar saarneyd mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Itoobiya oo uu qaraxa qabsaday.

Degmada xudur ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen Ururka Al-Shabaab,waxaana duleedka degmadaas inta badan ku dagaalama Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %