Faah Faahin Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah Faahin Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Darawal Mooto Bajaaj ku geeriyooday qarax Bam oo ka dhacay Muqdisho Dhimashada Darawalka Mooto Bajaajta ayaa timid ka dib markii Bam Gacmeed lagu weeraray Ciiidamo saarnaa Mootada degamda Hurwaa ee Gobolkan Banaadir.

Mootada ayaa xilliga Bam gacmeedka lagu weerarayey waxa ay mareysay halka loo yaqaan Shaneemo Cabdi Waayeel oo ka tirsan Degmada Heliwaa,waxaan ku dhaawacmay mid ka mid ah askartii saarneyd mootadaas.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in goobtaasi uu ku geeriyooday ninkii waday mootada, iyadoo dhaawaca askariga halkaasi laga qaaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa sida caadada aheyd gaarey goobta,iyaga oo halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano gacanta ku soo dhigay dhowr qof oo lagu tuhmayo weerarkaasi bambaano,kuwaas oo la geeyey saldhiga degamda hurwaa ee Gobolka Banaadir.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!