FAAH FAAHIN: Qarax ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

FAAH FAAHIN: Qarax ka dhacay Muqdisho

Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaa khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Qarax miino oo Xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya lagula eegtay Magaalada Muqdisho.

Gaadiid Dagaal oo ay wateen Ciidanka Dowladda marayay meel aan sidaas ugu fogeyn Isgoyska Ex Kontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen labo ruux oo Shacab ahaa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen labo kale oo lagu sheegay Askar.

Balse, Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Qaraxii lagu beegsaday Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Waxaa Al Shabaab ay shaaciyeen in Qaraxa ay ku dileen ugu yaraan 3 askari, ayna ku dhaawaceen 3 kale oo ka mid ah Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo ku aadan sheegashada Xoogaga Al Shabaab.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!