Mareeg Media
Somalia

FAAH FAAHIN: Qarax ka dhacay Muqdisho

177

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxuu ka dhacay nawaaxiga Xaafadda Daalo ee wadada Sodonka.

Goobjooge ayaa u sheegay warsidaha Mareeg Online in Qaraxa uu ku dhaawacmay hal Ruux oo Shacab ah, islamarkaana gaari yaallay halka uu Qaraxa ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, inkastoo aan la ogeyn hadii dad lagu soo qab qabtay.

Qaraxan ayaa waxaa sidoo kale ka horeeyay Qarax kale oo Xalay ka dhacay Isgooyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxii Xalay oo ka dhashay gaari lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa waxaa ku dhaawacmay hal ruux.

Todobaadkii la soo dhaafay aye aheyd markii Al Shabaab ay sheegteen Weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay banaanka Xerada Ciidamada Booliska ee Magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!