Faah Faahin:-Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah Faahin:-Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaarayo Duleedka Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Xirada maslax ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay Qaraxa lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aasao,waxaana la sheegay  in xiliga Qaraxa uu dhacayay ay wadada marayeen Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,sida aan wararka ku helnay.

Dad goobjoogyaal ah ayaa shegay in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamada Qaraxa lala eegtay ee Mararyay gagaaarka xirada maslax ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxa kadib la maqlay rasaas ay rideen Ciidamada dowlada Soomaaliya ee agdhawaa goobta uu ka dhacay Qarax.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.