FAAH FAAHIN: Qarax ka dhacay Degmada Balcad

Read Time:40 Second

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxan oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha degmada Balcad ayaa waxa uu nuuciisa ahaa Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Qaraxan oo lagu aasay derbiga wado u dhow guri halkaasi ku yaalla in lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda.

Ciidamo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa durba gaaray halkaasi, waxayna qaadeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxan, si ay u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaanka la xiriira qaraxan, waxayna xireen aagga goobta uu qaraxa ka dhacay, iyada oo halkaasi ay soo buux dhaafiyeen dadweynaha degaanka.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.