Faah Faahin:-Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Saldhiga Degmada Waabari + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah Faahin:-Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Saldhiga Degmada Waabari + Sawirro

Waxaa faah faahin ay kasoo baxeysaa Qarax ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qaraxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir waxaana Qaraxaan uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dhismaha Saldhiga Degmada Waabari  oo ku yaalla Wadada ugu mashquulka badan Caasimada ee Maka Al-Mukarama ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoogan.

Inta la xaqiijiyay 8 Qof ayaa ku geeriyootay halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan Weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay nin watay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo ku dhuftay iridka hore ee Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa waxa ay u badan yihiin dadka Shacab ah oo wadada maraayay markii uu Qaraxa dhacaaye.

War Ururka Al Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen mas’uuliyadda Qaraxan maanta ka dhacay Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!