Faah Faahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Read Time:43 Second

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ah oo Galabtaka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa geystay qof is-miidaamiye ahaa oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa, wuxuna beegsaday Baar u dhow isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, isagoo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

In ku dhow 10 qof ayaa la sheegay inay qaraxa ku dhinteen oo isugu jiray askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa Maqaayadda uu qaraxa ka dhacay, waxaana dadka dhintay ka mida qofkii is-miidaamiyaha ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay u badnaayeen dhalinyarro maqaayadda ku badnaan jiray xilliyada qaraxa dhacay, dhimashaduna ay gaartay ilaa 13 qof.

Maalmahan dambe waxaa magalada ku soo batay qaraxyo ay fulinayaan dad isku soo xiray walxaha qarxa kuwaa oo inta badan ay adagtahay in la fahmo iyadoo Soomaaliya aysan heysan qalab lagu ogaan karo qofka wata waxa qarxa.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %