Mareeg Media
Somalia

FAAH FAAHIN: Danbilihii Waday GAARIGII Qarxay oo la Qabtay

15

Qaraxaan oo ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Maqaayad lagu Magacaabo Dalsan oo ku taalla meel u dhow Taalada Xaawa taako ee Magalada Muqdisho.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sidoo kale waxaa ku yaalla Koontorool ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ka ilaaliyaan Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana  gawaarida lagu hubiyo.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga qarxay  la dhigay Goobta uu ku qarxay,waxaana inta badan istaaga Gawaarida ku wajahan dhinaca Madaxtooyada, iyada oo qofka wata uu kasoo dago kadibna uu soo aado Koontoroolka Ciidanka si uu u tuso kaarkiisa Aqoonsiga kadibna uu sidaasi ku gudbo.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa goobta waxa ay aheyd mid mashquul badan,waxaana ku yaalla goobo Ganacsi oo kale,sida Maqaaxiyo Shaaha laga cabo, Goob Timaha lagu jarto,waxana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo uu qaraxaasi geystay wallow weli sirasmi ah aan loo shaacin.

Gaadiidka dhinaca Godka Jilacow kasoo geli jiray Madaxtooyada ayaa haatan la joojiyey,waxaana Goobta soo gaaray gawaarida gurmadka deg dega si ay ugu gurmadaan dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxaas.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!