Faah faahin:-Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah faahin:-Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Gaari nooca raaxadda ah oo lagu xiray waxyaabaha Qarxa ayaa maanta ku qarxay Isgoyska Soobe ee Muqdisho gaar ahaan kasoo horjeedda Hoteelka Safaari.

Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay degmooyinka Wadajir iyo Hodan, ayaa ahaa gaari lagu baakimay kasoo horjeeda Hoteelka ka dibna la sheegay in lagu xiray waxyaabaha Qarxa.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo dumar ah oo mareysay goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud.

Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay ruux ay sheegeen in ay ku tuhmaayaan in uu yahay Midkii gaariga Qaraxa ku xiray, islamarkaana hadda ay baaritaano ku waddaan.

Ruuxii lahaa gaariga Qarxay ayaa nabad qaba, waxaana wali la shaacin Magaciisa iyo xilka uu haayay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!