Mareeg Media
Somalia

FAAH FAAHIN: Qarax GAARI oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo Caawa lagu beegsaday Xarunta booliska ee Janaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay koontaroolka hore ee Xarunta booliska, waxaana sida la sheegay ka dhashay khasaaro kala duwan.

Waxaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah, inkastoo aan la ogeyn hadii dabley hubeysan ay gudaha u galeen Xarunta, sida goobjooge uu u sheegay Warsidaha Mareeg.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo Shalay Taliska Boolisku ka digeen Weerar xoogan oo ay qorsheenayaan Xoogaga Al Shabaab.

Afhayeenka Booliska Sakiyo ayaa sheegtay Gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa uu ku jiro Muqdisho.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Caasimada Soomaaliya.

Kala soco Mareeg.com waxii warkan ku soo kordha Insha Allah 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!