Faah Faahin:-Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Meel U Dhow Xarunta Ciidamada Asluubta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah Faahin:-Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Meel U Dhow Xarunta Ciidamada Asluubta

Waxaa saakay Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafada Galmudug oo ah Nawaaxiga halka ay ku taallo Xarunta Ciidamada Asluubta ka dhacay Qarax gaari lagu soo xiray,iyadoo Qaraxaasi uu  sababay Dhimasho.

Gaariga Qarxay ayaa waxaa la sheegay in ay la socdeen Saddex Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Xooga dalka ,waxaan halkaasi ku dhintay askartii saarnaa Gaariga Qarxay oo ahaa Gaari Kaarib ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in uu ahaa Gaariga mid  lagu soo xiray Qaraxa,iyadoona goobta uu Gaariga ku Qarxay gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana halkaasi ay ka qaadee Meydadka Askarta.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale howlgallo ka wadda goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Qaraxyadda lagu xiro gawaaridda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo batay Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay dhowr qof.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More