Faah faahin Qarax culus oo ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah faahin Qarax culus oo ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Waxaa goordhaw qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay Koontaroolka laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee yaalla Isgooska Sayidka .

Gaariga qaraxa laga soo buuxiyay oo nuuciisa lagu sheegay NOAH ayaa xoog kusoo dhaafay Koontarool yaalla Isgoyska Dabka, waxaana gaariga oo ciidamada eryanayaan ku qarxay koontaroolka Sayidka yaala gaar ahaan meel ku dhaw kaalinta Hass Gaas.

Sida aan wararka ku helnay gaariga ayaa isku dhax qarxiyay gaadiid kale oo saf ugu jiray in ay ka gudbaan koontaroolka Madaxtooyada laga ilaaliyo, waxaana halkaasi ku sugnaa dad kala duwan oo u badnaa shaqaale dowladeed.

Khasaaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo kasoo gaaray dadkii ku sugnaa goobta, waxaana khasaaraha xoogiisa gaaray dadkii la socday gaadiidkii goobta taagnaa ee doonayay in koontaroolka ka gudbaan.

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa booliiska ayaana xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada gurmad u fidiyeen qaar kamid ah dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More