
Kooxo Hubeesan ayaa Barqanimadii Maanta Deegaanka Siinka Dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxa ay ku laayeen Dhaqaatiir Ajaaniib iyo Soomaali isugu jirta oo ka howl galayay Isbitaalka Fiqi.
Inta la xaqiijiyay ilaa 6-qof ayaa ku geeriyootay Weerarkaasi oo Sadax kamid ah ahaayeen Dhaqaatiir Ajaaniib ah oo kasoo jeeda Dalka Suuriya halka Sadaxda kalana ay ahaayeen Soomaaliya midkood uu ahaa dhaqtar .
Dhaqaatiirta Ajaaniibta ah ee la laayay ayaa saakay ka tagay Magaalada Muqdisho waxa ayna kusii jeedeen Isbitaalka Fiqi Xaruntiisa oo kutaal Deegaanka Siinka Dheer halkaa oo lagu weeraray xili Isbitaalka ay wax yar un u jireen.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in Kooxaha Weerarka geestay ay wateen Gaari Nuuca loo yaqaan NOAH ayna in mudo ah meereesanayeen inta u dhaxeysa Isbitaalka iyo Laamiga Siinka dheer markii ay arkeen gaariga dhaqaatiirta wadayna ay ku horgooyeen gaarigooda kadibna Rasaas ooda uga qaadeen.
Kooxihii Dilka u geestay Dhaqaatiirta Ajaaniibta iyo kuwa Soomaali ah oo la socday ayaa la tilmaamay in ay goobta isaga baxsadeen , waxaana halkaasi gaaray Ciidamo iyo Saraakiil katirsan Dowlada oo halkaasi ka sameeyay Baaritaano aan wali la shaacin waxa kasoo baxay.
Ma jiro ilaa hada cid sheegatayMasuuliyada Weerarkan lagu Dilay Dhaqaatiirta Ajaaniibta ah iyo Sabbata loo dilay , waxa uuna Dilkan saameyn badan ku yeeshay Howlihii Caafimaad uu fulinayay Isbitaalka Fiqi ee ku yaala Deegaanka Siinka Dheer.