Faah Faahin Kasoo Baxeysa Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Dowlada Oo Xalay Lagu Dilay Degmada Yaaqshiid

Read Time:33 Second

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Malatariga Dowlada Soomaaliya.

Sarkaalka xalay la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar Farey waxaana dilka loo geystay xili uu marayay agagaarka dugsiga hoose dhexe ee Maxamuud Axmed Cali ee gudaha Degmada Yaaqshiid.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa la sheegay in rasaas xoogan ay la dhaceen isla markaana halkaasi uu ku geeriyooday Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Malatariga Dowlada Soomaaliya.

Intaas kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray iyagoo halkaas ka qaday meydka Sarkaalka waxa ay sidoo kale sameeyeen baaritaano  inkastoo aan la ogeyn shaqsiyaadka lagu soo qabtay baaritaanada.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.