Faah Faahin Kasoo Baxeysa Mas'uul Ka Tirsan Degmada Dayniile Oo Qarax Ka Badbaaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Mas’uul Ka Tirsan Degmada Dayniile Oo Qarax Ka Badbaaday

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadada Warshadaha Qarax miino ah lagula eegtay Cali Cusmaan Wehliye oo ah Mas’uul ka tirsan Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo  Mooto loo adeegsaday ayaa la sheegay in la doonayay in lagu dhufto gaariga uu la socday Mas’uulka ka tirsan maamulka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ee lagu magacaabo Cali Cusmaan Wehliye.

Ugu yaraan waxaa Qaraxa ku dhaawacmay  laba ruux oo ah shacabkii wadada marayay mana jiro Khasaare kale oo la sheegay uu Qaraxa geystay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay waxaana jiray baaritaano halkaasi ay ka sameeyeen Qaraxa kadib.

Qaraxan xalay ka dhacay Wadada Warshadaha ayaa ku beegmay xili shalay weerar ismiidaamin ah lagu qaaday Xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!