Faah Faahin Kasoo Baxeysa Ganacsade Lagu Dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

Waxaa xalay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Duleedka Magaalada Muqdisho lagu dilay Nin Ganacsade ahaa oo weyn looga yaqaanay halkaas.

Ninka Ganacsadaha ahaa ayaa la sheegay inuu dilka u geystay Askari ka tirsanaa Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday Askarigii dilka geystay.

Allaha u Naxariistee Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/kariin C/qaadir Maxamed waxaana oo ahaa Nin si aad ah looga yaqaanay Deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dilka ka hor uu labadooda dhex maray muran aan la ogeyn waxa uu ku saleesnaa taas oo keentay in Ninka Ganacsadaha ah la dilo.

Askariga dilka geestay ayaa Wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu ilaalo u ahaa Taliyaha Ciidamada Nabad-Sugida Deegaanka Garasbaaleey in kastoo Warkaas aan weli la xaqiijin.