Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Maanta Ka Dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in maanta halkaasi lagu Sarkaal ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha Galmudug.

Alla ha u naxariistee Sarkaalka la dilay  ayaa waxa lagu magacaabi Jiray Maxamed Cali Gurey.

Dilka ayaa yimid ka dib markii uu isku dayay in uu ka qaado Canshuur mid ah ka mid ah Ganacsatada Suuq weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

Ganacsadaha ayaa la sheegay in uu toogtay Sarkaalka ka dibna uu baxday.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa hadda degan, waxaana howlgallo ka wadda ciidanka Galmudug.

 

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia