Iska Hor Imaad Uu Ku Dhintay Taliye Hore Oo Maanta Muqdisho Ka Dhacay + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Iska Hor Imaad Uu Ku Dhintay Taliye Hore Oo Maanta Muqdisho Ka Dhacay + Sawirro

Inta la xaqiijiyay 4-askari ayaa ku dhimatay oo ka tirsanaa Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed kuwaas oo uu ku jiray Ciise Jiijiile oo mar ahaa Taliye ku xigeenkii Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga ee ku sugan Kontaroolka u dhow National Theatre ay isku dayeen in ay istaajiyaan Gaari ay la socdeen Sarkaalka geeriyooday iyo Ciidamadaasi laakiin ay ku gacan seereen.

Waxaana labada dhinac muran kadib ay isweedaarsadeen Rasaas xoogan taasi oo sababtay dhimashada 4-taasi Askari oo uu ka mid ahaa Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Sugida Gobolka Banaadir Ciise Jiijiile.

Sidoo kale isku hor imaad kale ayaa maanta ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir kaasi oo dhexmaray Ciidamada Xasilinta Caasimadda iyo Maleeshiyo qaab deegaanka u shaqeeya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!