Faah faahin kasoo baxeysa Dagaal ka dhacay Magaalada Marka

Read Time:43 Second

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay gudaha Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxa oo u dhaxeeyay Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab,kaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dadka Deegaanka Magaalada Marka ayaa inoo sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsal Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Magaalada,isla markaana uu bilowday dagaal aad u xoogan.

Ugu yaraan  Saddex qof ayaa ku geeriyootay dagaalkii xalay ka dhacay Marka,halka dhaawac uu kasoo gaaray tiro intaas ka badan.

Guddoomiyaha Marka Xasan Macallin Cumar ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada dowlada ay iska caabiyeen weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen,waxaana xaalada Magaalada maanta ay tahay mid degan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %