Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho + Sawirro

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Qarax gaari loo adeegsaday oo galabta ka dhacay Isgoyska Soobe  gaar ahaan Afaafka hore ee Hoteel Safaari ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Gaariga Qarxay ayaa waxaa laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa iyadoona uu ku Qarxay Afaafka Hore ee hoteelka.

Gaariga Qaraxa loo adeegsaday ayaa ahaa Gaariweyn oo xamuul ah.

Dhismayaashii ka Agdhawaa goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan, Hoteeladii iyo Guriyihii ka Agdhawaa goobta.

Qaraxii galabta Muqdisho ka dhacay ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana dadka waxyeelada soo gaartay ay u badan yihiin dad goobta marayay xilligii uu Qaraxa uu dhacayay.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa goobta gaaray iyagoona halkaasi ay ka qaadaan dadkii ku waxyeelobay Qaraxa.

Ciidamada amaanka dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxii galabta ka dhacay Isgoyska Soobe gaar ahaan Afaafka hore ee Hoteel Safaari ayaa waxaa lagu tilmaayay inuu ka mid yahay Qaraxyadii ugu xooganaa ee ka dhaca wadada aadka u mashquulka badan ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!