Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Qarax Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo
Waxaa maanta Qarax miino ah uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan Magaaladaasi.
Qaraxa miino ee maanta ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan hal cunug ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Inta badan Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa yaalla Miinooyin aad u farabadan waxaana ay waxyeelo kasoo gaartaa caruurta marka ay garaacaan.
Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan Qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Comments are closed.