Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Dilka Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha
Waxaa galabta gilinkii dambe Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya.
Kooxo hubeysan oo watay gaari kaarib ah ayaa la sheegay in ay dilka u geesteen Askariga ka tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya.
Kooxihii ka dambeeyay Dilkaasi ayaa isaga baxsaday goobta waxaana durba goobta soo gaaray Ciidanka nabad sugida oo halka uu dilka ka dhacay ka bilaabay howlgalo.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilka Askarigaan galabta lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Comments are closed.