Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Dil Maanta Ka Dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Dil Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan oo Bastoolado watay ayaa la sheegay in ay dilka u geesteen Askariga ka tirsanaa Ciidanka dowlada ee maanta laga dilay Isgoyska Tarabuunka waxaana durbo goobta ka baxsaday kooxda dilka geysatay.

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa durbo soo gaaray goobta uu dilka dhacay waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgalo lagu raadinayo kooxda dilka geysatay.

Sidoo kale warar aan ka heleyno Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Macallin Nuur ayaa ku soo warramaya in Kooxo hubeysan ay qof Naafo ahaa ku dileen halkaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!