Faah Faahin:-Gudoomiye Waxbarasho Oo Lagu Dhaawacay Magaalada Baledweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah Faahin:-Gudoomiye Waxbarasho Oo Lagu Dhaawacay Magaalada Baledweyne

Dabley Hubeysan oo wadatay bastoolado ayaa galabta gudaha Magaalada Baledweyne waxa ay ku dhaawaceen Gudoomiyaha Guddiga Waxbarashada ee Gobalka Hiiraan Dr Maxamed Macalim Cismaan.

Gudoomiyaha Guddiga Waxbarashada ee Gobalka Hiiraan Dr Maxamed Macalim Cismaan ayaa falka kadib waxaa loola Cararay Isbitaalka weyn ee Magaalada Baledweyne halkaasi oo lagu dabiibayo Xaaladiisa Caafimaad sida ay warbaahinta u sheegeen Qaar kamid ah ehelka Gudoomiyaha.

Halka falkaan uu ka dhacay ayaa aheyd Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Kooxda dhaawacday Gudoomiye Dr. Maxamed Macalim ayaa waxaa lagu guuleysatay in gacanta lagu dhigo mid kamid ah ragii werarka geystay ,waloow aan faah faahin laga bixin sababta ka danbeysay weerarka.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!