Faah faahin:-Dil xalay ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah faahin:-Dil xalay ka dhacay Muqdisho

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa dil xalay ka dhacay xaafad ka tirsan Degmada Dharkenleey ee Gobolkan Banaadir,halkaasi oo lagu dilay labo Wiil oo walaalo ahaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka loo geysaty labao will oo isla dhalatay oo mid kamid ah uu ahaa Askari ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya,waxaana dilka uu ka dhacay inta u dhaxeysa Ex-koontorool Afgooye iyo agagaarka Xaafada xoosh oo ay dagan yihiin dad barakacayaal ah.

Labada wiil ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Saneey iyo Xuseen Faarax,iyadoo kooxo ku hubeysnaa bastoolado ay dilka u geysteen, isla markaana goobta ka baxsaday.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa la sheegay in ay gaareen Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi sameeyay oo howlgalo lagu raadinayo  ragii ka dambeeyay dilka xalay ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir,blase weli aysan jirin cid loo soo qabtay dilkaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!