Faah Faahin Dil Ka Dhacay Degmada Xamar Jajab
Foos Maxamed Xuseen oo aheyd Guddoomiye waaxeed ka tirsan Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa lagu dilay Degmadaas.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Kooxo hubaysan ay Marxuumada Gurigeeda ugu galeen kadibna ay ku dileen.
Ciidamada amaanka dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa goobta gaaray iyagoo baaritaano Arrintaas la xiriirta ka sameeyay halka uu falka ka dhacay.
Waxaa maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho ka dhacaye dilal qorsheeysan kuwaas oo aysan jirin cid loo soo qabtay.
Comments are closed.