Mareeg Media
Somalia

Faah faahin Darawal Mooto Bajaajle ah oo lagu dilay Muqdisho

Waxaa Xalay rag ku labisnaa Dareeska Ciidanka Dowlada Soomaaliy ay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dileen Darawal Mooto Bajaajle ah.

Dilka ayaa la sheegay in uu ka dhacay bartamaha Degmada,waxaana loo geystay mid kamid ah Darawalada Mooto bajaajta ee ka Shaqeeya Magaaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in Raga dilka ka dambeeyay ay ku sugnaayee gudaha Degmada Kaaraan,isla markaana dilka kadib goobta ka baxsaday.

Sidoo kale Wararka qaar aan heleyno ayaa sheegaya in Raga falkan ka dambeeyay ay si nabad ah uga tageen goobta uu dilka ka dhacay,halka warar qaar ay sheegayan in ay si toos ah u hormareen Saldhigga Booliska degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Kaaraan oo ku aadan Dilka xalay gudaha Degmada loogu geystay mid kamid ahaa Darawalada mooto bajaajta ee ka Shaqeeya Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!